4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya oo ansixiyay xeerar dhowr ah

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta shir guddoomiyay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Golaha Wasiiradda ayaa waxaa lagu gorfeeyay habsami u socodka shaqada wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda iyo doorashadii madaxweyaha cusub ee Soomaaliya oo qabsoontay 15-kii bishaan May, taasoo masuul uu ka ahaa Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale shirkooda Maanta waxay ku asixiyeen xeerar dhowr ah oo kala ah, xeerar nidaamiyaasha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sii heyn doonta xilka inta uu madaxweyanha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kasoo magacaabayo Raysal wasaaraha cusub ee badali doono Maxamed Xuseen Rooble.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online