4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka hadlay shaqooyinka uu qaban doono boqolka maalmood ee ugu horreeya

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa soo bandhigay shaqooyinka uu qabandoono boqolka maalmood ee ugu horreeya marka uu la wareego xafiiska madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu isbeddel weyn ku sameyndoono hay’addaha amniga ee dalka, isoo sheegay inay ku shaqeeyaan sharuuc gabowday oo u baahan in isbeddel lagu sameeyo.

Waxaa madaxweynuhu sheegay in hay'addaha amniga loo qaabayn doona hab waafawsan nidaamka federalka ee dalka, isagoo sheegay inay  haatan u shaqeeyaan sidii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa kale oo uu sheegay inuu dhameystirayo barnaamijka dayn cafinta oo uu tilmaamay  inuu haatan marayo meel gabagabo ah oo u baahan dhameystir in lagu sameeyo.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in dowladiisa xoogga saari doonto wax ka qabashada arrimaha amniga Muqdisho, isagoo sheegay inay xaqiijindoonaan in amniga caasimadda wax weyn laga qabto, isagoo sbeegay inay marka hore xaqiiijinayaan amniga labada gobol ee shabeelle.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]