4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 19, 2022
Madaxweyne Biixi: Xisbiyada qaranka waa ixtiraamaynaa

Khamiis, May, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad lagu xusayay 18 May, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu soo afjaro khilaafka kala fogeeyay xukuumadiisa iyo mucaaradka.

Madaxweyne Biixi oo ka jawaabayay soo jeedin uga timid Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaalif Axmed oo madaxweynaha kula taliyay in uu u guntado xalinta khilaafaadka, iyo sixida waxa qaldan, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu sameeyo si kasta oo wax ku hagaagayaan.

"Qaranku wixii uu ku wanaagsanaanayo oo dhan ayaan ka shaqaynayaa, talada qofkii ii baahaniba wuu i helayaa, xisbiyada qarankana waa ixtiraamaynaa, walaalayaalow shaydaanka iska naara ayaanu leenahay, waa soo dhawaynaa waxkasta oo wax lagu wanaajinayo" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Khilaafka u dhexeeya xukuumada iyo axsaabta mucaaradka ah, oo salka ku haya furista urrurada siyaasada oo mucaaradku anay ku niyad samayn, ayaa keenay in mucaaradka iyo xukuumada Biixi ay kala fogaadaan.

Mudo warbaahinta hadalo xanafleh laysku marinayay kadib, madaxweynaha Somaliland ayaa 16 bishan May axsaabta mucaaradka u fidiyay gogol, kadib dhex dhexaadin ay sameeyeen qaar kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland, waxaana loo balamay in shirar lagu xalinayo khilaafaadka la yeesho 18 May kadib.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online