4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 18, 2022
Maamulka Jubbaland oo madaxweyne Xasan Sheikh ugu baaqay inuu xal u helo gobolka Gedo

Arbaco, May, 18, 2022 (HOL) - Maamul goboleedka Jubbaland ayaa sheegay inuu dib u heshiisiin ka billaabayo gobolka Gedo, isagoo la kaashanaya dowladda cusub ee Soomaaliya ka dhalatay.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland Suleymaan Maxamed Maxamuud oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan in dib u heshisiintaas ay ka dhalato sidii ay dib ugusoo ceshan lahaayeen maamulka gobolka Gedo.

Wasiirka waxa uu madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu xal u helo arrinta gobolka Gedo.

"Hadda waxaan ka rajeynaynaa dowladda cusub inay qaabkii hore wax ka badasho oo maamulka sharciga ah sida sharciga ah ay ku soo celiso dowlad goboleedka Jubbaland," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubaland.

Shantii sano ee lasoo dhaafay gobolka Gedo, waxaa ka jiray kacdoon loogasoo horjeedo maamulka Jubbaland, iyadoo gobolkaas ay dowladda federalka ciidamo geysay.

Maaamulka Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu hab qabiil u wajahay xaaladda Gedo, islamarkaana uu doonayay inuu Gedo ka saaro kamid ahaanshaheeda Jubbaland.

Wasiirku waxaa uu farta ku fiiqay in dowladda cusub iyo maamulka Jubaland ay ka shaqeyn doonaan sidii ciidamadii ay dowladdii Farmaajo geeyay Gedo halkaasi laga soo saaro.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]