4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 16, 2022
Qaramada midoobay iyo beesha caalamka oo u hambalyeeyay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud

Isniin, May, 16, 2022 (HOL) - Xafiiska bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud doorashada loo doortay madaxweynihii tobnaad ee dowladda federalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay rajeynayso in ay kala shaqeeyaan madaxweynaha iyo kooxdiisa, si loo horumariyo arrimaha mudnaanta qaranka u leh, sida nabadda, amniga iyo xasilloonida.

Sidoo kale waxay Qaramada Midoobay bogaadisay Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ sida uu u ixtiraamay dhaqanka Soomaaliyeed ee ah in uu si deg deg ah u aqbalo natiijada doorashada, una ballan qaado in uu garab istaagi doono Madaxweynaha beddelaya.

Dhinaca kale, beesha caalamka oo dhankooda war soo saaray waxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Beesha caalamka waxay sheegtay inay weli ku taagan yihiin ballanqaadyada ay u hayaan Soomaaliya.

Waxay sheegeen inay Madaxweynaha cusub kala shaqeynayaan horumarinta nabadda, barwaaqada iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]