4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 15, 2022
Codaynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la sheegay xilliga ay billaabanayso

Axad, May, 15, 2022 (HOL) - Dib u dhac ayaa ku yimid codaynta doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu waday inay billaabato 11 ka barqanimo ee maanta sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha.

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa sheegay in codaynta doorashadu billaabandoonto labada duhurnimo oo ay haatan ka harsan tahay wax ka yar hal saac.

Wali waxaa ka maqan hoolka doorashada qaar ka mid ah xildhibaannada iyo musharixiinta, oo la sheegayo inay ku mashquulsan yihiin ololaha doorashada.

Codaynta Doorashada ayaa lagu wadaa inay gaarto illaa caawa fiidkii marka loo eego tirada badan ee musharraxiinta iskusoo sharraxay doorashada.

Madaxweyne Farmaajo oo qeyb galayay xuska maalinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15may ayaa goor dhowayd u ambo baxay teendhada Afisyooni.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]