4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 10, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo baadhis galinaya guddida doorashooyinka
 

Talaado, May, 10, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magacaabay guddi 5 qof ka kooban, oo baadhis ku samayn doonta khilaafka maamul ee ka dhexeeya Guddida Doorashooyinka Somaliland.

Wareegto kasoo baxday madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in kadib markii uu madaxweynuhu garwaaqsaday in khilaafka maamul iyo maaliyadeed ee ka dhexeeya guddida uu waxyeelayn karo xilgudashadooda, ayuu magacaabay guddi baadhiseed oo ka kooban 5 xubnood oo kala ah Maxamed Jaamac Cabdi, Farxaan Maxamed Cali, Siciid Xasan Habbane, Axmed Saleebaan Jaamac iyo Bashiir Cabdi Xariir.

Wareegtada ayaa lagu yidhi "Guddidu waxay baadhitaan ku soo samayn doonaan arrimaha ay ka mid yihiin, Nidaamka maamulka iyo maaliyadda ee  xubnaha komsihanka, nidaamka iibka iyo qandaraasyada adeegyada iyo agabka komishanka, nidaamka maamulka iyo diiwaan-gelinta hantida raagta ee komishanka".

Khilaaf maamul oo saameeyay shaqada Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa soo if baxay 27 bishii Abril, markaasi oo ay soo baxday waraaq sheegaysa in guddidu ay dooratay guddoomiye cusub, iyo waraaq kale oo sheegaysa in aanu jirin guddoomiye cusub oo la doortay waraaqda horena ay si qalad ah kusoo baxday.

Guddida doorashooyinka ayaa wakhtiga uu khilaafku soo baxay ku gudda jiray howlaha u diyaar garowga doorashooyinka la filayo in ay Somaliland ka dhacaan dabayaaqada sannadkan.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online