4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Rooble: Waxaan qorsheynayay inay madaxweyne iskusoo sharraxo, laakiin damacayga dib ayaan u dhigtay
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa daboolka ka qaaday oo sheegay inuu damacsanaa inuu iskusoo sharraxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, balse wuxuu sheegay inuu damaciisa dib u dhigtay si dalka loo badbaadiyo oo doorasho uga dhacdo.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in xilligan uusan ku fekerayn damac siyaasadeed, isagoo tilmaamay haddii uu iskusoo sharrixi lahaa xilka madaxweynaha in ay noqon lahayd inuu dantiisa gaarka ah ka shaqeeyo.

Rooble wuxuu ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay inay sannadkan ciiddayaan, iyadoo dalka uu ku baxay hubanti la’aantii siyaasadeed islamarkaana dhowaan la qabanayo doorashada madaxweynaha, dalkana uu galayo isbeddel siyaasadeed oo horumar horseeda.

Wuxuu barlamaanka Soomaaliyeed ugu baaqay in la dadajiyo doorashada madaxweynaha islamarkaana ay dalka u dooraan hoggaamiye dalka ka saari kara xaaladda adag ee amni, siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka ka jira.

Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku dirayay hambalyada munaasibada ciiddul Fidri oo maalinta berrito ah ku beegan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]