4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Sheekh Shariif oo noqday xubin ka mid ah Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Maanta si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kadib doorashadii Maanta ka dhacday magaalada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa goordhaw oo Maanta ah ku guuleystay tartanka kursiga HOP 146, oo uu horay ugu fadhiyay wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur oo isaga haray inuu markale u tartamo kursiga, waxaana Sheekh Shariif kursiga kula tartami laha Musharax Shariif Abuukar Axmed oo ka tanaasulay inuu la tartamo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Doorashada kursiga ayaa u dhacday hab gacan taag ah oo loogu codeeyay Sheekh Shariif waxa uuna helay, 101 cod oo ahaa  dhamaan codadka ergada kursiga dooraneysay, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada Hirshabeelle.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal kooban ka jeediyay goobta doorashada ayaa u mahad celiyay ergada dooratay, isaga oo ballan qaaday in uu si caddaalad ah ugu shaqeyn doono kursiga, waxaana xusid mudan in Sheekh shariif uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado in dhawaan lagu doorto magaalada Muqdisho.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online