4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 1 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo boqollaal maxbuus cafis u fidiyay
 

Axad, May, 1, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa munaasibada Ciidal Fidriga awgeed cafis u fidiyay 360 maxbuus oo ku xukunaa danbiyada fudud.

Wareegto kasoo baxday Madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in cafiska uu madaxweynuhu u fidiyay maxaabiistan boqollaalka ah, aanu saamayn ku lahayn xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka ka dhalanaya danbiyada ay ku xukunaayeen.

"In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis u fidiyo, munaasibadda ciidda Fidriga awgeed maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 360 (Saddex Boqol iyo Lixdan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raad ciqaabeedka, ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen" ayaa lagu yidhi wareegtada.

Sida wareegtada lagu caddeeyay cafiska waxaa fulinaya xeer ilaaliyaha guud isagoo raacaya liiska maxaabiista la cafiyay"Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista".

Madaxweynaha Somaliland ayaa sannadkasta wakhtiyada ciida cafis u fidiyada hadba maxaabiista danbiyada fudud ku xukuman ee ku xidhan xabsiyada iyo jeelasha Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online