4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Qaar kamid ah wefdigii madaxweynaha Soomaaliya u raacay Dubai oo la karantiilay
 

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Qaar kamid ah wefdigii madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud u raacay dalka isku tagga Imaaraatka ayaa la galiyay xaalad karantiil ah, kadib markii laga helay caabuqa Corona Virus.

Arrintaan ayaa sababtay in dib loo dhigo safarka madaxweynaha uu dib ugugu laaban lahaa Soomaaliya, sida ay HOL u sheegeen ilo ku dhow madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa xaaladdiisu fiican tahay, mana laga helin xanuunka Covid19, waxaana laga yaabaa inuu maalmo kale sii jooga magaalada Dubai.

Xafiiska warfaafinta Soomaaliya ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo xogta arrintan la xiriirta, iyada oo qeyb kamid ah baraha bulshada lagu qorayo in madaxweynaha laftiisa laga helay Covid19.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Dubai ayaa kusoo aadaya, xillo uu dalkaas wajahayo koror weyn oo ku saabsan faafitaanka cudurka Covid19.

Hay’addaha caafimaadka ee dalkaas ayaa maalin kasta diiwaan galiya ku dhawaad 1,500 kiis oo Coronavirus ah. Hase yeeshaa tiro yar oo dadkaas kamid ah ayaa u baahday in isbitaalada la geeyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]