6/25/2022
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Guddoomiyihii xisbiga UCID ee gobolka Sool oo la dilay
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxamed Axmed Faarax (Aflahaar), oo ahaa guddoomiyihii xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID ee gobolka Sool, ayay dablay hubaysani xalay ku dileen magaalada Laascaanood.

Guddoomiyaha oo horayna usoo noqday xubin ka tirsan golihii hore ee deegaanka Laascaanood, ayaa u dhintay xabado ay ku fureen dablay hubaysan oo beegsaday xili uu siigalayay gurigiisa uu ka daganaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Iyadoo ay kooxo aan la aqoonsanin ugaadhsi ku hayaan masuuliyiinta xisbiyada iyo xukuumada ee gobolka Sool, ayaa waxa ugu danbeeyay Cabdirisaaq Axmed Cilmi "Cabdirisaaq Cardoofe" oo ka mid ahaa xildhibaanada golaha degaanka Degmada Laascaanood, oo 11 September, 2021 sidan oo kale loo beegsaday.

Inkasta oo xukuumada Somaliland qaaday dadaalo lagu sugayo nabada magaalada Laascaanood sannadihii u danbeeyay, hadana waxaa muuqata in wali loo maaro laayahay dilalka lagu beegsanayo haldoorka reer Laascaanood.

Kooxahan oo badana dilalka gaysta xili habeen ah, ayaa isla markiiba goobta ka carara markay dilka gaystaan, booliiskuna kuma guulaystaan in ay raadraacaan oo ay soo qabtaan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
6/21/2022 3:08 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Cayaaryahanka Romelu Lukaku ayaa dib ugu soo laabtay Inter Milan ka dib markii kooxda reer Talyaani ay wadahadalo muuqaal ah oo saddex saacadood qaatay ay la yeelatay kooxda Chelsea.

6/21/2022 12:44 PM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kooxda Futsal ee dalka Morocco ayaa 16-0 kaga badisay kooxda Futsalka Soomaaliya oo ay wada cayaareen koobka Futsal ee wadamada Carabta, kaas oo ka socda Saudi Arabia.

6/21/2022 7:52 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid ah shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyo iyo dilal madax jabis ah ka geysan jirey Boosaaso.

6/21/2022 7:44 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Kadib kulan ay yeesheen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddidii isku xilqaantay xalinta khilaafka doorashada, ayaa isku afgartay in qorshaynta howsha xalinta khilaafka loo daayo golaha guurtida.

6/21/2022 3:09 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Wasiirka caafimaadka maamulka Puntland, Jaamac Faarax Xasan ayaa xaqiijiyay in la lunsaday 300 kartoon oo ay ku jireen Buskutka Plumpy Nut, oo loo isticmaalo in lagu daweeyo nafaqo-xumada ba'an ee carruurta yaryar.

6/21/2022 1:57 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Xalay ka dhacay Tabeelaha Sheekh Ibraahin ee duuleedka magaalada Muqdisho.

6/21/2022 1:48 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa lasoo taagay afar nin oo ku eedeysan inay katirsanaayeen shabakad kooxaha Daacish iyo Ashabaab, kuwaas oo magaalada Bosaso ka geysan jiray qaraxyada iyo dilalka.

6/21/2022 12:56 AM EST
Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu doonayay in golaha wakiiladu diidaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka.