4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Hay’ada Hiddo Soor oo Minnesota ku qabatay Munaasabad lagu maamuusayo Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida


Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Hay’ada Hidosoor ayaa suuro galisay Soomalida degan nawaaxiga magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul (Tiwin Cities area) gaar ahaan Plymouth, Minnesota in ay helaan Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka iyo Hibayoonka Somalida. Maallinta june 18 ayaa  noqotay maalin lagu calaamadeeyay Maalinta Dhaqanka Somalida.

Munaasabaddan ayaa lagu qabtay Xarrunta Hilde Performance Center ee ku taala magaaladda Plymouth ee gobolka Minnesota. Ayagoo Soomalida degan Plymouth, Minnesota iyo maagoolinka ku dhaw dhaw soo bandhigay Hiddahooda iyo Hibooyinkooda iyo Ganacsigooda. Munasabadaan waxaa kasoo qayb galay Soomaali gaaraysa ilaa sedex kun.

Munaasabadaan ayaa waxaa ka soo ka qayb galay ma’uuliyiin ay ka mid yihiin Congresswoman Ilhan Omar, Duqa magaalada Plymouth, Minnesota Mayor Jeffry Wosje iyo Xilibaanad Plymouth ku Matasha Gobolka Minnesota Ginny Klevorn.  Sidoo kale munaasabadaan ayaa noqon doonta mid sanadle ah isla markaana lagu soo bandhigo Hiddaha iyo dhaqanka.

Ugu danbayn, Mayor Jeffry Wosje ayaa Hiddosoor gudoon siiyay warqada uu ku ogolaaday in June 18 ay noqoto maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Somalida. Sidoo kale Maxamed Ciise oo ah agaasimaha Hiddosoor ayaa sheegay “Maalinta Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida in ay noqon doonto mid State ka oo dhan loogu dabaal dego”

Mohamed Isse , Hiiraan Online
[email protected]