4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Puntland oo ku eedeysay hay'addaha Qaramada Midoobay inay faafiyeen digniin amni oo hubanti la'aan ah
 

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Puntland ayaa ku eedeysay hay’addaha qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee samafalka inay faafiyeen digiin hubanti la’aan ah oo ku saabsan khatar amni oo Alshabaab la maleegayaan Garowe.

Afhayeenka ciiddanka Booliiska Puntland, G/sare Xasan Cabdullaahi Maxamed ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in hay’adduhu iyagoo aan macluumaad la wadaagin laamaha amniga ay fasaxaan shaqaalahooda sababo amni awgeed.

“Hay’addaha ciddii xog haysa waxaa loo baahan yahay inay la wadaagto laamaha amniga. Ma ahan Alarm inta la yeersho, shaqaalaha iyo dadka la kala diro oo la yiraahdo amni darraa jirtee guryihiiina kusoo shaqeeya. Arrintaas waan ka xunnahay,” ayuu yiri afhayeenka ciiddanka Booliiska.

Afhayeenku wuxuu sheegay in amniga Garowe uu caadi yahay islamarkaana ciidamada amnigu ay wadaan hubinta digniinta amni ee ay hay’adduhu soo saareen, wuxuuna ugu baaqay in shaqaalaha la kala diray dib shaqadooda loogusoo celiyo.

Tan iyo markii hay’adduhu soo saareen digniintan, waxaa magaalada Garowe ka bilowday howlgal xooggan oo baaris ah, iyadoo laamaha amnigu ay xoojiyeen amniga magaalada Garowe.

Digniinta ay direen hay’addaha Qaramada Midoobay ayaa kusoo aaday iyadoo habeen hore magaalada Gaalkacyo lagu dilay nabadoon Punland kasoo jeeda oo arrimaha nabada ka shaqeyn jiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]