4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 30, 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga adduunka oo kala saxiixday heshiis boqol milyan oo dollar
 

Sabti, Luulyo, 30, 2022 (HOL) - Sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh, ayaa u mahad celiyay Bangiga Adduunka oo dowladda Soomaaliya u ansixiyay $100 milyan oo doolar oo kaalmo miisaaniyadeed ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay tallaaabdan inay ku timid. kadib markii Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay buuxisay dhammaan shuruudihii dib u habeynta dhaqaalaha ee lagu heshiiyey.

“Aad baan ugu hanweynahay in aan saxiixo heshiiskan cusub maanta, run ahaantiina waxa uu gacan ka geysan doonaa maalgelinta mudnaantayada mustaqbalka.”ayuu ku yiri wasiir Beyle 00 qoraal soo dhigay Twitterka.

Maaddaama ay Soomaaliya wajaheyso dhibaatooyinka ka dhashay isbedelka cimilada iyo abaaraha, taageeradan dhaqaale waxaa lagu xoojinayaa adkeysiga dhaqaalaha iyo maalgashiga kalluumeysiga iyo tamarta dib loo cusboonaysiin karo.

Bangiga adduunka ayaa ku taageeray dhaqaalahan Soomaaliya, kadib marki dowladdu xoojisay daah-furnaanta maaliyaddeed iyo kordhinta dakhliga gudaha iyada oo loo marayo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee dawladda dhexe.