4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Golaha Wasiiradda oo amray in si deg deg ah looga soo saaro magaalada Baledweyne Ciidamadii Shalay la geeyay

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Xilgaarsiinta Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta looga hadlay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka, Amniga iyo ciidamadii la geeyay magaalada Baledweyne.

Golaha wasiiradda ayaa isku raacay in si deg deg ah looga soo saaro magaalada Baledweyne ciidamadii la geeyay, waxaana la faray taliyeyaasha in ciidamada qaranka aanan la sumcad dilin oo lagu soo koobo shaqadooda si dhaqsa ahna loogu soo celiyo xerooyinkii laga qaaday.

"Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro, laguna celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha wasiiradda.

Raysal Wasaare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Baledweyne kala shaqaynaya dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan, kuwaas oo kala ah:-

1:Jenaraal Mukhtaar Xuseen Afrah Wasiirka Arrimaha Gudaha Guddoomiye
2:Cabdullaahi Maxamed Nuur Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Gudoomiye kuxigeenka
3:Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga iyo Warashada Xubin
4:Cabduqaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga Xubin
5:Fowsiya Abiikar Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Darryeelka Bulshada Xubin

Golaha waxay sidoo kale ka doodeen cabsi gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee suuqa Bakaaraha, iyagoonaa faray Wasaaradda Amnigu in ay qaaddo tallaabooiynka ku habboon.

Shalay ayay aheyd markii magaalada Baledweyne laga dajiyay laba diyaaradood oo siday ciidamo ka tirsan Haramcad iyo gorgor oo tiro ahaan gaarayay 100 askari, kuwaas oo ay si weyn uga soo horjeesteen Xildhibaano iyo siyaasiyiin ka tirsan beelaha Xawaadle.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online