4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada oo hakiyay natiijada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka
 

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka ayaa maanta hakiyay ku dhawaaqista natiijada sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee laga soo doorto gobolada Waqooyi ee Soomaaliland, kuwaas oo maalmo kooban ka hor lagu doortay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa lagu shaaciyay in la hakiyay kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP 201, HOP 209, HOP 211, kuwaas oo laga soo gudbiyay dacwad, waxaana qoraalka guddiga lagu sheegay in baaris ay ku sameyn kuraastaasi.

Qoraalka guddiga xalinta khilaafaadka ayaa sidoo kale lagu sheegay in sadaxdan kursi baarista lagu sameyn doono mudo 7 maalin gudahood oo ka bilaabaneysa maanta oo Khamiis ah.

Hoos ka akhriso Qoraalka Guddiga Xalinta Khilaafaadka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online