4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Taliyaha ciiddanka milatariga oo difaacay ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne
 

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Taliyaha ciiddanka milatariga Soomaaliya, Gen, Odawaa Yuusuf Raage ayaa difaacay tallaabada ciidamada xoogga dalka lagu geeyay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay in sawir qaldan laga bixiyay.

Gen, Odowaa oo wareysi siinayay VOA, isagoo ku sugan gobolka Galgaduud, ayuu sheegay, in sababta ciidamada loo geeyay magaalada Baladweyne ay tahay, si doorashooyinku nabad ugu dhacaaan, loogana difaaco carqaladeynta kooxda Alshabaab.

Taliyaha xoogga waxa uu sheegay ciidamada la geeyay Baladweyne in aanu ka duwanayn ciidamada kale ee la geeyay Dhuusomareeb, Jowhar iyo Baydhabo, si amniga doorashada u xoojiyaan.

Wuxuu sheegay shaqada ciidanka milatarigu in ay tahay shaqo ay masuuliyaddeeda iyagu leeyihiin, cid kalena aysan ku lug lahayn.

“Ciidanka Baladweyne tagay sabab sawir kale looga bixiyo ma jirto. Arrintaan aad sheegtay ee wasiiradda. Waxaan kuu sheegayaa,  Milatarigu la dagalaanka argigxisida wasiir amnina uma hoos tagaan, wasiir arrimo gudana uma hoos tagaan,” ayuu yiri Odowaa.

Odowaa wuxuu sheegay labadii todobaad ee ugu dambeeysay in ay Alshabab magaalada Baladweyne ku garaacayeen madaafiic.

Wuxuu sheegay iyadoo taas laga duulayo in ay ciidamadan u geeyeen halkaas, si ay u qaadaan howlgallo ka dhan ah Alshabaab.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online