4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Garowe: Wasiirro katirsan Puntland iyo Jubbaland oo kamid noqday barlamaanka aqalka hoose

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - 4 xubnood oo labo kamid ah ay wasiirro ka yihiin maamulka Puntland, halka mid kalena uu wasiir ka yahay mamaulka Jubbaland ayaa maanta Garowe loogu doortay in ay kamid noqdaan barlamaanka aqalka hoose.

Wasiirka qorshaynta Puntland, Cabdiqafar Xaange iyo wasiiru dowlaha shaqada iyo shaqaalaha Puntland, Fardowso Cismaan Cigaal, ayaa ku guulaystay doorasho aysan tartan adag u galin, oo ka dhacday xerada 54-aad ee Garowe.

Sidoo kale wasiiru dowlaha maaliyadda maamulka Jubbaland, Xirsi jaamac Gaani, ayaa isna kamid noqday barlamaanka aqalka hoose, wuxuuna sidaas oo kale kusoo baxay doorasho aan loolan adag loo marin.

Maxamed Cabdiraxman Axmed Xayle, ayaa noqday qofka 4-aad ee kusoo baxay doorashada maanta ka dhacday Garowe. Wuxuuna ku tartamayay kursiga 128. Wuxuu helay 96 cod.

Puntland waa meesha kaliya ee ugu badan ee golaha wasiiraddu kasoo muuqdeen labada aqalka ee barlamaanka. Illaa 7 wasiir ayaa ku jira, kuwaas oo weli qaarkood boosaskoodii ay bannaan yihiin.

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa inuu yahay musharrax madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo uusan weli shaacin, haddana wuxuu loolan adag ugu jiraa sidii uu barlamaanka saamayn ugu dhex yeelan lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online