4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Guddiga doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi oo qabtay doorashada 3 kursi oo la isku tanaasulay


Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Doorashada saddex kursi oo katirsan kuraasta xildhibaannada gobolada waqooyi ee Somaliland, ayaa lagu doortay Muqdisho, maalin kadib markii la dhameeyay khilaafkii u dhaxeeyay siyaasiyiinta gobolada waqooyi.

Xildhibaan Siciid Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ku guulaystay kursiga aqalka hoose ee tirisiigu yahay 244, kadib markii musharraxii kula tartamaysay Kaltuun Xayir Jaamac ay u tanaasushay.

Kursiga hop 37 ee  aqalka hoose ee gobollada waqooyi waxaa ku guulaysatay Marwo Ifraax Maxamed Cawad, kadib markii Caasha Cabdilahi Warsame Diiriye oo kursigaas kula tartami lahayd ay tanaasushay.

Kursiga 3aad ee doorashada, waxaa ku guulaystay xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheekh Bashiir, waxaana sidoo kale tartanka doorashada ka tanaasulay Cabdilaahi Cabdiqani Ibraahim oo kula qornaa kursiga hop 238.

Doorashada maanta ee xldhibaannada gobolada waqooyi waxay ahayd mid la isku tanaasulay, mana jirin wax tartan doorasho ah oo dhacay.

Doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi waa doorashada ugu badan ee ay hareereeyeen tanaasulka, waana doorasho ay loolan ugu jiraan garabyada siyaasadeed ee kala taabacsan mucaaradka iyo muxaafidka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online