4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 27, 2022
Ciiddanka xoogga iyo ururka Alshabaab oo guulo ka sheegtay dagaal ku dhexmaray gobolka Galgaduud

Khamiis, Janaayo, 27, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegay in ay ugu yaraan 7 askari oo ka tirsan ciiddanka Gorgor ku dileen dagaal xooggan oo doraad ka dhacay duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Bayaan kasoo baxay Alshabaab ayaa lagu sheegay in ay dagaalkaas ay ku dhaawacmeen 12 kale askari oo kale, halka ay sidoo kale Alshabaab ay  sheegeen in ay ku furteen hub iyo saanad milatari.

Warbaahinta internetka ee Alshabaab wararka u faafisa ayaa lagu daabacay sawiradda maydadka askarta ciiddanka Gorgor iyo hubkii laga furtay oo isugu jiray hubka fudud iyo rasaas.

Dagaalka ayaa ka dhacay tuulada Sina-dhaqo oo qiyaastii 10km u jirta deegaanka Ceeldheere ee duleedka Dhuusamareeb.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay gobolka Galguduud ku dileen sarkaalkii ugu sareeyay Al-shabaab kadib howlgalo ay ka sameeyeen degaano hoos yimaado magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee gobolkaasi.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in sarkaalka la dilay lagu magacaabo (Canjeex) islamarkaasna uu gobolka Galguduud u qabaalisanaa Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online