4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Wasiirka arrimaha gudaha oo sheegay in xukuumada Soomaaliya aanay waxa kala socon ciidamada la geeyay Baladweyne
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya aanay waxba kala socon ciidamada la geeyay magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Wasiirka arrimaha gudaha oo qeyb ka ahaa shir jaraa'id oo ay qeybteen wasiiradda iyo xildhibaannada kasoo jeeda gobolka Hiiraan, ayuu sheegay in raysal wasaare Rooble uu talaabo ka qaadan doono ciidamadaas la geeyay Baladweyne.

"Baladweyne arrimaha ka jira ma ahan in ciiddan lagu xalliyo, waxaan leennahay ciidamada halkaas tagay in ay ku ekaadaan howlaha loogu talo galay. Kacdoono siyaasadeed ayaa iska jira, waxayna u baahan yihiin in lagu xalliyo wada hadal nabadeed, "ayuu yiri wasiirku.
 
Wuxuu sheegay wasiirka arrimaha guduhu in raysal wasaaruhu u xilsaaran yahay arrimaha amniga doorashada, ayna ahayd in isaga looga dambeeyay haddii arrimo doorasho darteed ciidamo loo geynayo magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne ayaa maanta la geeyay ciidamo aad u badan, xilli ay magaalada ka taagan tahay xiiso kacsanaan ah oo loogasoo horjeedo maamulka Hirshabeelle.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online