4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 26, 2022
Sarkaal katirsan laamaha amniga Puntland oo lagu dilay magaalada Boosaaso
 

Arbaco, Janaayo, 26, 2022 (HOL) - Dabley hubaysan oo aan la garanayn haybtooda ayaa saakay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ee Puntland ku dilay Taliyihii hore ee kantaroolka Boosaso Kabtan Barkhad Maxamed Jaamac Buryar (Guduudane).

Dableyda ayaa goobta isaga baxsaday kadib markii ay dilka geysteen. Mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda dilkiisa, ama loosoo qabtay.

Dilkiisa ayaa kusoo aadaya xilli Bosaso ay isku diyaarinayso qabashada doorashada golaha shacabka, inkastoo walaac laga muuujinayo amnigeeda.

Dhowaan ayay ahayd qaraxyo bombaano lagu weeraray xarumo ay ciiddan ku sugnaayeen oo kuyaala bartamaha magaalada Bosaso.

Ururada Alshabab iyo Daacish ayaa magaalada Bosaso horey uga fuliyay weeraro isugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ka dhan ah Puntland.

Khilaaf u dhaxeeya Puntland iyo hay’adda PSF, ayaa sidoo kale shaki weyn galinya suurtagalnimada in magaalada Bosaso ay ka dhacdo doorashada aqalka hoose, inkastoo arrintaas ay qeyb ka tahay heshiiska doorashada.

Madaxweyne  Deni ayaa lagu wadaa inuu magaalada Bosaso u safro, iyadoo dadka siyaasadiisa dhaliilsan ay ku eedeynayaan inuu doonayo inuu faro galin ku sameeyo kuraasta beeluhu soo dooranayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online