4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Ciidamada Itoobiya oo sheegay inay gali doonaan magaalada Maqalle
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Itoobiya ayaa sheegtay inay isu diyaarinayso inay gasho magaalada Maqalle ee xarunta gobolka dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee Tigray.

Janaraal sare oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo lagu magacaabo Jeneral Abebaw Tadesse, ayaa waraysi uu siiyayay Warbaahinta ku hadasha afka dowladda ku sheegay in ciidamadu ay gali doonaan Maqalle, isla markaana aan wax wada hadal ah aan lala galayn kooxda TPLF, waa siduu hadalka u dhigay  Jeneralku.

Hadalka Jeneralka ayaa ah mid rajo tiraya in TPLF ay ka qayb gali doonto wadatashiga heer qaran ee uu Ra'iisal wasaare Abiyi Axmed ku dhawaaqay in dhawaan uu dalka ka dhici doono, iyadoo wali aysan joogsan colaaddii ka jirtay gobolka Tigray.

Lama garan karo sida ay isu qabanayaan wadatashiga si guud dalka looga sheegay, oo ay dhammaan Itoobiya isugu imaan doonto, iyo colaadda gobolka Tigray ka jirta oo wali sii socota, iyadoo TPLF dhankeeda ay wali waddo duullaankeeda ay ku sheegtay inay kusoo ceshanayso dhulka ay sheegtay inuu ka maqan yahay.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online