4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 31, 2022
Ganacsade Soomaaliyeed oo Maanta lagu dilay dalka Koonfur Afrika
 

Sabti, December, 31, 2022 (HOL) - Kooxo hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa Maanta ku dilay Muwaadin Soomaaliyeed deegaanka Kuwzakele oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Port Elizabeth ee dalka Koonfur Afrika.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee Maanta burcada hubeysan toogteen ayaa lagu magacaabi jiray Allah u naxariiste Cismaan Aadan Sheekh Buule oo si weyn looga yaqiinay magaalada Port Elizabeth iyo nawaaxigeeda.

Marxuumkaan ayaa shaqadiisu aheyd wareejinta Rootiga oo uu geyn jiray goobaha ay ganacsiyada ay ku leeyihiin Soomaalida iyo ajaaniibta kale ee ku yaala deegaanada hoostaga magaalada Port Elizabeth ee loo yaqaano PE.

Muwaadinkaan Maanta la dilay ayaa la sheegay in shalay uu ka badbaaday weerar noocaan oo kale ah oo ay doonayeen in burcad hubeysan ay ku dilaan, hase yeeshee Maanta ay kooxo hubeysan oo burcad koonfur Afrikaan ah ay weerar kale ku dileen.

Dilka ganacsadahaan Soomaaliyeed kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan Booliiska dalka Koonfur Afrika, kuwaas oo baaritaano aanan wax natiijo ah kasoo bixin ka sameeyay goobta uu falka ka dhacay.

Dalka Koonfur Afrika waxaa mar walba ka dhaca dilalka noocaan oo kale oo ay geysanayaan burcada hubeysan ee u dhalatay dalkaasi, islamarkaana ay ku beegsanayaan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku leh goobaha ganacsiga.