4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka wadahadlay xiriirka iskaashi ee labada dal iyo la dagaalanka Al-shabaab
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Jabuuti oo ay wehelinayaan Wasiirro iyo masuuliyiin ka tirsan Labada dal ayaa yeeshay wada xaajoodyo ku saabsan xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, qiimeynta hannaanka iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Labada Madaxweyne oo si wadajir ah u qabtay shir saxafadeed ayaa waxay si qoto dheer uga hadleen xiriirka, midnimada iyo walaaltimino ee ka dhaxeysa labada shacab, waxaana madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahadceliyay dhigiisa dalka Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle, dowladda iyo shacabka Jabuuti sida ay u garab istaageen walaalahooda Soomaaliya, xilligii ay u baahdeen shacab iyo dowlad ahaanba.

"Soomaaliya iyo Jabuuti waa laba dowladood oo walaalo ah reer Jabuuti anaga waxay noo yihiin Hiil walaal oo waqti wanagaan bay hiil noo noqdeen, anaga marbaan u noqon doona, waxaan soo dhaweynaya walaalkey, madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah madaxweyne mudo dheer soo garab taagna dowladnimada Soomaaliya" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhankiisa uga mahadceliyey Madaxweynaha, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta walaalnimada leh oo ay u muujiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxuuna xusay inuu ajiibay martiqaad uu u fidiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si uu markhaati uga noqdo guulaha laga gaaray howlgallada dib u xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayeen kooxda Alshabaab.

Shirka labada dowladood ee Maanta ka dhacay gudaha Madaxtooyada Soomaaliya waxaa Madaxweyneyaasha ku wehelinayey, dhanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya masuuliyiinta kala ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Abshir Cumar Jaamac, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Daa’ud Aweys Jaamac, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Abshir Maxamed Axmed iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud.

Dhanka dowladda Jabuuti masuuliyiinta madaxweyne Geelle wehlinaayay waxaa ka mid aha Wasiirka Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Dhaqanka iyo Dhallinyarada Marwo Hibo Muumin Casaawe, LaTaliyaha Arrimaha Dhaqanka  Aadan Xasan Aadan, Siihayaha Safaarada Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Maxamed Ibraahim Yuusuf iyo Danjire Dayib Dubad Rooble.