4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 28, 2022
Dowladda Soomaaliya oo digniin xooggan u dirtay shirkad howlo shidaal baariseed kawadda Somaliland
 

Arbaco, December, 28, 2022 (HOL) - Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dowladda  Soomaaliya, ayaa ku eedeysay shirkadda shidaal baarista ee Genel Energy ee laga leeyahay UK, inay howlo sharci darro ah ka waddo Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa looga digay khatarta ka dhalan karta maalgashi iyo sahmin sharci darro ah oo la sheegay inay shirkadda ka waddo deegaannada Somaliland.

“Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay xuquuqda batroolka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso fulinta hawl-gal shidaal oo xadgudub ku ah madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo midnimada,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku wargalisay maalgashadayaasha shisheeye in Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ay tahay hay’adda kaliya ee sharci ahaan u fasaxaysa sharciga iyo qawaaniinta u degsan Soomaaliya si ay u bixiso ogolaanshaha baarista iyo horumarinta kheyraadka shidaalka sida uu dhigayo sharciga Batroolka Soomaaliya.

Waxay tilmaamtay ogolaansho kasta oo lagu bixiyo wax xadgudub ku ah shuruucda iyo qawaaniinta Soomaaliya inuu yahay sharci darro, iyadoo loo aqoonsan lahaa mid aan waxba ka jirin.

Si kastaba ha ahaatee, shirkadda Genel Energy ayaa Somaliland heshiis ugula jirta inay shidaalkii ugu horreeyay kasoo saartay Somaliland. Sida qorshuhu yahay, sannadka 2023 ayay shirkaddu filaysaa inay soo saarto shidaalkii ugu horreeyay.