4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 27, 2022
Dowladda Soomaaliya oo maalinta berrito ah hakisay duulimaadyada garoonka Aadan Cadde
 

Talaado, December, 27, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa hakisay duulimaadyada rayidka ah ee garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, xilli uu halkaasi maalinta berrito ah kasoo wajahan yahay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay, in arrimo farsamo awgeed loo joojiyay dhaqaaqyada duulimaadyada garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sida xogta aan ku helnay kusoo wajahan Muqdisho, isagoo halkaas kulan kula yeelanaya madaxweynaha Soomaliya. Wuxuu sidoo kale uu xarriga ka jaridoono mashaariic Jabuuti ka hirgalisay Muqdisho.

Waaa safarkii labaad oo madaxweynaha Jabuuti uu ku imaanayo Muqdisho, tan iyo markii Xasan Sheikh xilka madaxweynaha loo doortay bishii May ee sannadkan.

Ismaaciil ayaa kamid ahaa wafuudii kasoo qeyb gashay caleemo saarka Xasan Sheikh.

Safarka madaxweynaha dalka Jabuuti uu ku imaanayo Muqdisho, ayaa kusoo aadaya xilli ay Muqdisho ku sugan yihiin madaxweynayaasha dowlad goboleedyada, uuna socdo shirka wadatashiga qaran.