4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Xildhibaannada Koonfur Galbeed oo dowladda federalka ku eedeeyay qalalaasihii Baydhabo ka dhacay
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Qaar katirsan xildhibaannada barlamaanka  Koonfur Galbeed ayaa dowladda federalka ku eedeeyay qalalaasihii magaalada Baydhabo ka dhacay, iyo inay dowladdu fara galin ku hayso arrimaha siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Xildhibaannadu waxay sheegeen in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya loo adeegsanayo in qalalaase looga kiciyo Koonfur Galbeed.

Waxay dowladda federalka ugu baaqeen inay faraha kala baxdo arrimaha siyaasada, islamarkaana ciidamada kasoo baxay furimahooda dagaalka dib loogu celiyo.

Dhinaca kale, Xildhibaannada ayaa sheegay in barlamaanka Koonfur Galbeed uusan sameyn muddo kordhin, balse ay sameeyeen iswaafajinta muddo xileedka madaxtooyada iyo barlamaanka.

Hadalka xildhibaannada ayaa kusoo aaday xilli madaxweynaha Koonfur Galbeed uu maanta Muqdisho kaga qeyb galay shirka madasha qaran, oo ay isugu yimaadeen dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.