4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Xisbiyada siyaasada Somaliland oo lagu dhawaaqay in uu liisankoodi sharci dhacay
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Guddida Diwaangalinta Ururada Somaliland, ayaa ku dhawaaqday in uu dhacay liisankii xisbinimo ee xisbiyada WADDANI, UCID iyo Kulmiye.

War-saxaafadeed kasoo baxday guddida oo warbaahintu baahisay, ayaa lagu sheegay in sharciyadii xisbinimo ee saddexda xisbi ay maanta ku egtahay, imika wixii ka danbeeyana laga rabo in saddexda xisbi ay raacaan sharciyadaha xiga.

"Waxaanu halkan si rasmi ah idiinku wargalinaynaa, in mudadii dhaqangalka saddexda xisbi ee Kulmiye, UCID iyo WADDANI ay ku egtahay maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, sida darteed waxaanu idin ogaysiinaynaa in aad fulisaan, ilaalisaana dhamaan waajibaadka ka dhalanaya dhamaadka mudada" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeeda.

Saddexda xisbi ee maanta guddidu sheegtay in uu ka dhacay liisankii sharci ee xisbinimo, ayaa kusoo baxay doorashadii ururada ee dhacday 28/12/2012, waxaana u dhamaaday 10 kii sanno ee uu sharcigu siinayay in ay kaligood ahaadaan xisbiyada siyaasada ee sharciga ah.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeeda oo faah faahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]