4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 26, 2022
Ciidamada dowladda oo howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose
 

Isniin, December, 26, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan ciidanka NISA iyo kuwa Booliiska ee sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada ayaa howlgalka qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolada Banaadir iyo Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada howlgalada qorsheysan ka sameeyay wadada isku xirta Muqdisho iyo Marka ayaa waxay sheegeen iney ku burburiyeen xarumo qarsoon oo ay ka mid ahayeen Maxkamado ay kooxda Shabaab ku lahayeen deegaano hoostaga Nambar 60 oo kala ah Ceel maracade, Galka Saalimo iyo Garas gawaan.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen Saraakiisha ciidanka howlgalkaasi fuliyay iney kooxda Shabaab ka xireen wadooyin qarsoodi ah oo ay u isticmaali jireen gudbinta gaadiidka qaraxyada kasoo buuxaan.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe si aad ah u kordhiyay howlgalada qorsheysan ee ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.