4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 25, 2022
Dowladda Soomaaliya oo Iiraan ku wareejisay 14 Kalluumaysato Iraniyiin ah oo la qafaashay sanadkii 2014

Axad, December, 25, 2022 (HOL) - Dowladda Iran ayaa sheegtay inay kalluumeysato u dhashay dalkeeda lagasii daayay Soomaaliya, ka dib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaaday Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran.

Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka soo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalkaas.

8-sano ka hor ayay kooxda Alshabaab ku qabsadeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya. Inkastoo warar kale ay sheegayaan in Alshabaab ay kala wareegeen Burcad badeed Soomaali ah.

Kalluumeysatada ayaa ka degaya magaalada Tehran, kadib markii ay qaadday diyaarad ka soo duushay magaalada Muqdisho Sabtidii xalay.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in wasaaraddu ay ku guulaysatey soo deynta la haystayaashii ay afduubka u haysteen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay baaritaan ku sameynayso kalluumaysato ay Shabaab gacanta ku hayeen muddo 8 sano ah, kuwaas oo lagu qabtay aagga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Kalluumaysatadan oo gaarayay 20 qof ayaa u kala dhashaya Iraan iyo Pakistan.