4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Duufaan xoogan oo Mareykanka ku dishay ugu yaraan 16 qof halka dad ka badan 1 Milyan oo qofna ay koronto la’aan dhigtay
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay ka dib markii duufaan weyn oo kuwa jiilaalka ah ay ku dhuftay inta badan gobollada Mareykanka, waxaana maanta la joojiyay in ka badan 8 kun oo duulimaad halka in ka badan Hal Milyan oo qofna ay koronto la'aan noqdeen.

Duufaanta xoogan oo bilowday Jimcihii ayaa saameeysay Maraykanka, heerkulka ayaa hoos u dhacay qaboow dartii, dabaylo aad u sarreeya iyo Baraf culus oo da’ay ayaa sababay dhimashada dad badan.

Kansas: Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku dhintay shilal baabuur oo ka dhacay waqooyiga gobalka Kansas sida ay xaqiijisay Candice Breshears oo ah Afhayeenka Wadooyinka gobalkaas.

Missouri: Magaalada Kansas ee caasimada gobalka Missouri, hal qof ayaa dhintay ka dib markii uu lumiyeen kontoroolka gaarigiisa Baraf xoogan oo da’ay awgii - sida ay caddeeyeen Waaxda Booliska Magaaladaas.

New York: Saddex qof ayaa ku dhintay degmada Erie ee gobalka New York. Labo ka mid ah dadkaas ayaa ku dhintay shilal kala duwan, xilli shaqaalaha caafimaadka degdega ah ay awoodi waayeen inay guryahooda tagaan sababo la xiriirto duufaanto oo aad u xooganayd.

Ohio: Gobalka Ohio afar qof ayaa ku dhintay shilal baabuur oo cimiladu ay sababtay, dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay Guddoomiyaha gobalkaas Mike DeWine.

Kentucky: Gobolka Kentucky saddex qof ayaa ku dhintay duufaanta barafka, labo ka dib ah dadkaas waxay ku dhinteen shil baabuur kan kalana wuxuu ku dhintay guri ku yaallo magaalada Louisville ee caasimada gobalkaas oo aan wanaagsanayn sida uu sheegay Andy Beshear oo ah Guddoomiyaha gobolka Kentucky.

Tennessee: Waaxda Caafimaadka gobalka Tennessee ayaa xaqiijisay dhimashada hal qof oo la xiriiriyay duufaanta.

Wisconsin: Ilaalada Gobolka Wisconsin ayaa xaqiijiyay in hal qof uu ku dhintay shil baabuur oo cimiladu ay sababtay.

Ugu dambeyn qabowga daran ee ay sababtay duufaanta jiilaal, ayaa imaanaayo xilli Mareykanka looga dabaal dagaayo fasaxa Kirismaska. Waxaana sannadkaan la sheegay in Kirismasku ​​​​uu yahay kii ugu qaboowga badnaa marka la barbar dhigo tobannaankii sano ee la soo dhaafay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
Twitter - @Najah_moha