4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Wasiirkii warfaafinta Koonfur Galbeed oo iska casilay xilkiisii, eed culusna u jeediyay madaxweyne Lafta Gareen
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Wasiirkii warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed, Ilyaas Cali Nuur ayaa caawa shaaciyay inuu iska casilay xilkiisii, sababa xiriira shaqaaqadii ka dhacday magaalada Baydhabo.

Wasiir Ilyaas Nuur oo ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa sheegay in uusan qeyb kasii ahaan karin maamul dadkiisa lagu dhibaateeyay.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur in uusan ixtiraamin waan waan nabadeed oo isaga iyo odayaal kale ay ku doonayeen inaan la weerarin dhallinyaro hubaysan oo ku sugnaa guri kuyaalla magaalada Baydhabo.

“Waxaan halkaan ka caddeynaayaa dhibaatadii shalay dhacday Baydhabo, masuuliyaddeedii waxaa iska leh dowladda Koonfur Galbeed. Wax la xallin karo oo lala xaajoon karo oo annaga aan qaban karnay ahayd. Annaga nalama sugin, nalama ixtiraamin. Kursiga inaan joogo wax ay faa’idaynayso maleh, “ ayuu yiri Ilyaas Nuur.

Ilyaas wuxuu ugu baaqay ciidamada Itoobiyaee ku sugan Koonfur Galbeed inay taageeraan in doorasho la qabto, oo ay dadku doortaan ciddii ay doonayaan. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladda federalka Soomaaliya inaysan sahlan arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee maamulka koonfur Galbeed oo xilkiisii isaga casilay sababa la xiriira dhacdadii magaalada Baydhabo.