4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle "Hadii Tardo iyo Moora eri Hormuud Internet ku siin weydo mudo 48 saac ah waan xiri doona
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa fariin digniin ah u diray Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo la xariirta in xarumaheeda deegaanada Tardo iyo Moora eri ee gobolka Hiiraan ay fasaxan isticmaalka Internet-ka, hadii ay dhici waysana la xeri doono xarumahaas.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sheegay ineysan suurtagal aheyn in deegaanada Tardo iyo Moora eri ay sii ahaadaan Internet la'aan, isagoona u qabtay Shirkadda Hormuud iney ku fasaxdo isticmaalka qadka Internetka deegaanadaasi mudo 48 saac gudahood.

"Mudo 48 saac gudahood hadii Hormuud birtaan meesha ugu taalo lagu xeri waayo saxamankii waa weyna ee Internetka anteenada waan damineyna, waana la xiraya dadka u jooga xarumahan, waa im deg deg loo hela Internet laga isticmaalo deegaanadan la bil ka hor ayaan Hormuud u sheegnay" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.

Deegaanada Tardo iyo Moora eri ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ah deegaanada laga saaray kooxda Al-shabaab oo ay ka talin jireen mudada dheer.

"Waxaan u baahanay in dadka deegaanadan ku nool ay la socdaan waxyaabaha ka dhacaya Newyork, sidoo kale waxa ka dhaca Moora eri iyo Tardana waxaan rabaa in lagala socdo Newyork" ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed.