4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 24, 2022
Kormeereyaal ka socda Midowga Afrika oo maalmaha soo socda ku wajahan gobolka Tigray
 

Sabti, December, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu maalmaha soo socda tagi doona gobolka Tigray ee dalka Itoobiya gaar ahaan magaalada Maqale, isagoo kormeeri doona heshiiskii nabadeed ee dowladda Itoobiya iyo TPLF ay horey ugu kala saxiixdeen Koonfur Afrika iyo Kenya.

Taliyaasha Ciidamada ee Itoobiya iyo TPLF iyo waliba mas’uuliyiin kale oo ka kala socday labada dhinac oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay shir uga socday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa galinkii dambe ee Khamiistii aynu soo dhaafnay waxay ku heshiiyeen in Maqale loo diro guddi ka socda Midowga Afrika oo soo kormeera sida uu u hirgalay heshiiska ay dhawaan gaareen Itoobiya iyo TPLF.

Madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta, oo sidoo kale qeyb ka ah kooxda dhexdhexaadinta, ayaa wax laga waydiiyay wakhtiga rasmiga ah ee ay Maqale tagi doonaan, wuxuuna sheegay in bishan inta aysan dhammaanin ay tagi doonaan magaalada Maqale, si ay u ogaadaan sida uu u fulay heshiiskii ay horey u gaareen labada dhinac.

Bishii hore ayay ahayd markii Itoobiya iyo TPLF ay heshiis ku kala saxiixdeen Koonfur Afrika iyo Kenya, kaas oo lagu soo afjarayay colaad muddo dheer ka socotay Waqooyiga Itoobiya, waxaana heshiiskaasi  garwadeen ka ahayd Midowga Afrika.

TPLF ayaa dhawaan shaki galisay sida uu u fulayo heshiiskan iyadoo ka cabanaysa dhinaca Eritariya oo ay sheegtay in wali Ciidamadeedu ay ku sugan yihiin dhulka Tigray.