4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay imaanshaha ciidamada lagusoo tababaray Eritrea inay sii dardar galisay dagaalka Alshabaab
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahad celisay madaxweynaha & Shacabka Ereteriya tababarka ay fidiyeen ciidanka Soomaaliyeed oo dalkooda ku sugnaa muddo dhowr sano ah.

Ku dhawaad 5,000 oo askari oo Soomaaliyeed ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay qaatay tababar ciidan, kuwaas oo helay xirfado heerkoodu sareeyo oo ay u baahnaayeen ciidanka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo guul weyn ku tilmaamay soo celinta ciidamadan, ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

"Imaanshiyaha dufcaddii ugu horreysay ee ciidamo Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa dardar cusub gelisay geesiyaasha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka go’an tahay in mar qura ay dalka ka saaraan Alshabaab," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladdu ay soo saartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay taageerada ay ka heleen dalalka deriska ah iyo caalamka intiisa kale xilligan xasaasiga ah ee ay dowladdu la dagaalamayso Alshabaab.