4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 23, 2022
La Taliye Xuseen Macallin "Qorshaha Dowladdu waa in laba sano gudahood dalka looga xoreeyo Alshabaab
 

Jimco, December, 23, 2022 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macallin Maxamuud, ayaa sheegay, dowladda Soomaaliya inay muddo labo sano gudaheed ah kusoo afjarayso Alshabaab.

La taliyaha amniga qaranka oo la hadlayay warbaahinta dowladda, ayaa sheegay in dagaalka Alshabaab ay dowladda ku garab taagan yihiin, dowladaha Maraykanka, Turkiga, Ingiriiska, Midowga Yurub iyo dalalka Carabta.

Wuxuu sheegay awoodda iyo jiritaanka Alshabaab inuu ku yimid ducfi dowladda ah iyo go’aan xumo ay ahayd in la wajaho. Wuxuu sheegay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed inay hadda isaga filan yihiin dagaalka Alshabaab.

“Kaalmo ajnebi dabcan Soomaalidu way u baahan tahay, laakiin dagaalka iyo cidda Shabaab jebinaysa, waa ciidan Soomaaliyeed iyo shacab Soomaaliyeed,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka.

Xuseen Macallin wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya inuu u dagsan yahay qorshe ku saabsan in labo sano kaddib laga maarmidoono ciidamada ATMIS.