4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 22, 2022
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo muddo lix bilood ah ku kordhiyay dhimista ciidanka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya
 

Khamiis, December, 22, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ee QM ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay go’aankii ay horey u gaareen Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaasi oo ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo askari oo katirsan ciidamada ATMIS ilaa 30ka Juun 2023, iyadoo la raacayo war-murtiyeedkii uu ansixiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika intii lagu jiray shirkii 11 November.

Qaraar tirsigiisu yahay 2670 (2022), ayaa si wadajir ah loogu ansixiyay dib u dhigista dhimista ATMIS, sidoo kalena waxaa lagu xaqiijiyay in la qaato hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ATMIS ee  31ka Diseembar 2024.

Golaha ammaanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay bixiso warbixin dheeri ah 30ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah. Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ATMIS inay door muhiim ah ka ciyaareyso sidii Soomaaliya ay kor ugu qaadi lahayd dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, in mas'uuliyadaha ATMIS-ka lagala wareego si guul leh, Soomaaliyana ay muhiim u tahay nabada iyo amniga mustaqbalka fog ee dalka.

Dowladda UK oo katirsan dalalka ku jira golaha ammaanka ayaa sheegtay inay ku hanweyn tahay inay gacan dhaqaale ku taageerto Midowga Afrika iyo Soomaaliya dadaalkan, waxayna sheegtay inay sannadkan 2022 55-milyan oo doollar ku bixiyeen ATMIS-ka, halka $8-milyanna uu siiyay Sanduuqa maalgalinta Soomaaliya.