4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 20, 2022
Deni oo lagu wado inuu xil u magacaabayo guddoomiyihii barlamaanka Puntland ee uu riday

Talaado, December, 20, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu xil muhiim ah u magacaabo guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Axmed Maxamed (Dhoobo).

Mr. Dhoobo ayaa bishii November ee sannadkii 2019, mooshin uu dhiig ku daatay xilka looga tuuray.

Mooshinkaas ayaa aad loola xiriiriyay inuu ka dambeeyay madaxweyne Deni, oo xilligaas khilaaf xooggan uu ka dhex taagnaa isaga iyo madaxweyne Deni.

Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, oo labo maalin kahor lagusoo dhoweeyay magaalada Garowe, ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo hirgalinta doorashada qof iyo cod ee Puntland.

Waxaa uu sheegay in laga heshiiyay khilaafkii dhexmaray isaga iyo Deni. Wuxuu sheegay wax kaste oo dhacay inay ku yimaadeen kala shaki isaga iyo madaxweyne Deni dhexmaray.

Deni oo lagu wado inuu isbeddel weyn ku sameeyo golahiisa wasiiradda iyo agaasimaayasha guud, ayaa la hadal hayaa in Cabdixakiin Dhoobo uu kasoo muuqan doono wasiirro cusub oo uu Deni soo magacaabayo dhawaan.