4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 20, 2022
TPLF oo shaki galisay heshiiskii ay la galeen dowladda Itoobiya
 

Talaado, December, 20, 2022 (HOL) - TPLF ayaa shaki galisay sida uu u fulayo heshiiskii ay dhawaan gaareen iyaga iyo dowladda Itoobiya ee lagu kala saxiixday Koonfur Afrika iyo dalka Kenya.

Sida ay baahiyeen Warbaahinta gobolka Tigray Hoggaamiyaha TPLF ahna Madaxwaynaha gobolka Tigray Debretion ayaa baarlamaanka gobolka Tigray u sheegay inay dawlada Itoobiya ayna wali si buuxda u fulin inta badan waxyaabihii lagu heshiiyay, isagoo xusay in dhinacooda waa TPLFee ay fuliyeen heshiiskii intii badnayd.

Dhinaca kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay wadaan howlo badan oo qayb ka ah waxyaabihii lagu heshiiyay oo ay kamid tahay howlaha horumarinta sida Adeegga Korontada, Isgaarsiinta oo ay dowladdu sheegtay in inta badan lagaarsiiyay gobolka Tigray.

Gobolka Tigray ayaa wixii heshiiska ka dambeeyay waxaa gaaray gargaar kala duwan oo isugu jira Raashin iyo mucaawano kale oo ka kala imanayay hay'adaha gargaarka bixiya, kuwaas oo horey aysan ugu suurtagalin inay gargaar raashin gaarsiiyaan gobolka Tigray.

Bilo ka hor ayay TPLF iyo dowladda Itoobiya heshiis ay garwadeen ka ahayd Midowga Afrika ku gaareen Koonfur Afrika iyo Kenya, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis taariikhi ahaa oo horey aysan labada dhinac isugu iman, kaas oo soo afjaray colaad muddo labo sano ahayd ka socotay gobolka Tigray.