4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 20, 2022
Raysal wasaare Xamse: Dalkan masii jiri karo haddii aan lala dagaalamin musuqa
 

Talaado, December, 20, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa wacad ku maray inuu xoojin doono dagaalka ka dhanka ah musuq maasuqa, maadaama Soomaaliya ay kamid tahay dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay sameynta xeerar lagula dagaalamayo musuqa, isagoo sheegay in dalka uusan sii jiri karin haddii aan la helin hufnaan iyo hay’ado wax ilaaliya.

"Waxaan u baahanahay inaan la dagaalano musuqan, haddii aan u baahanahay inaan gaarno barwaaqo oo aan gaarno yoolkeena. Dowladdaydu waxay dadaal dheeri ah ku bixin doontaa sidii loo ciribtiri lahaa musuqmaasuqa,” ayuu yiri RW Xamse.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid, bil kadib markii warbixin uu soo saaray Hanti dhowraha guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye, taasoo lagu sheegay in la lunsaday lacago badan, isagoo sheegay in ka badan 96 milyan oo dollar aan la ogayn meel ay ku baxday lacagtaas.

Warbixinta uu daabacay Maxamed Cali Afgooye, ayaa waxaa lagu faah faahiyay in lacagta maqan ay ka mid tahay 21 Milyan oo Doollar oo deyn ahaan loo qaatay sanadka 2021-ka, iyadoo uusan waxba kala socon Hanti dhowrka guud.