4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inuu isisoo dhiibay sarkaal katirsan Alshabaab
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay afar xubnood oo katirsan Alshabaab uuna hoggaaminayay sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cali Xasan oo loo yaqaano Macalin Xudeyfa, inay maanta isku soo dhiibeen Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan HirShabeelle.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sarkaalka Alshabaab iyo xubnaha la socdayba ay kamid ahaayeen Shabaabkii dhawaan lagu jebiyay dagaaladii  ka dhacay deegaanada Shabeelladda dhexe.

Dhinaca kale, Ciidamada dowladda ayaa gacanta ku dhigay 8 ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo la sheegay inay isku dayayeen in ay isku qariyaan Dhulka hawdka ah ka dib Dagaalkii ay ciidamada qalabka sida iyo Shacabka deegaanku kula galeen Hirshabeelle.

Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay in Caddaaladda la marsiiyo dadka ku adkaysta kusii jirista Al-Shabaab, waxayna dowladdu wacad ku martay ciribtirka Alshabaab, si shacabka Soomaaliyeed ugu noolaadaan nabad iyo Barwaaqo.