4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 19, 2022
Goolhaye Koobkii Adduunka ee 2018 taageera ahaa, kii 2022-na wadankiisa u qaaday
 

Isniin, December, 19, 2022 (HOL) - Emiliano Martínez, Goolhayaha Argentina waa 30 sano jir, markii uu 17 sano jir ahaa wuxuu ka tagay qoyskiisa wuxuuna u guuray England, si uu u caawiyo kuwa uu jecel yahay si ay oga baxaan faqriga.

Waxa uu sugaayay ku dhawaad ​​toban sano si uu u helo fursad uu hadda helay ee ah Boortayeeriga koowaad ee qarankiisa.

Koobkii adduunka ee 2018 wuxuu ka mid ahaa  taageerayaasha xulka Qaranka Argentina, balse dadaal badan uu sameeyay ka dib koobkii adduunka ee hadda dhammaaday 2022; wuxuu u horseeday wadankiisa inuu ku guulaysto Koobka ka dib rigoorayaal uu qabtay ciyaaro kala duwan.

Goolhayahaan waxaa taariikhdisii horay hoos u dhigtay kooxda Arsenal oo muddo 10 sano ah uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay 2010 ilaa 2020, inkastoo xirfadda dhalinyarada uu markii hore ku bilaabay haddana Arsenal waxay Amaah ahaan ogu dirtay in ka badan 5 koox oo Ingiriis ah, ka hor inta uusan safka hore u gelin Arsenal sannadii 2019 oo Goolhaye toos ah uusan u noqonin.

Martinez, 2019-kii wuxuu ka soo muuqday safka  Arsenal ee horyaalka Premier League-ga, wuxuuna ka caaway Arsenal inay ku guuleystaan ​​FA Cup iyo FA Community Shield.  Sebtembar 2020.

Isla sannadkaas 2020, naadiga Aston Villa oo hadda uu Goolhayaha koowaad u yahay ayaa ku iibsatay 20 Milyan oo Ginni. Xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horeeyay ee kooxda, waxa uu ilaashaday rikoorka kooxda oo 15 kulan oo horyaalka Premier League ka tirsan gool lagama dhalinin oo shabaqiisa ayuu Banooniga ka ilaaliyay.

Goolhayahaan marka laga soo tago ciyaarihii uu dhallinyarada da’da yar ku matalay dalkiisa, wuxuu fursad u helay inuu ka mid noqdo xulka qaranka Argentina 2021-kii, isagoo isla sannadkaas ka caawiyay qarankiisa inay ku guuleystaan ​​​​Copa America 2021, isaguna wuxuu ku guuleystay Golden Glove iyo inuu ciyaartii final-ka aanan gool laga dhalinin.

Martinez sannad ka dib wuxuu hadda ku guuleysto Koobka Adduunka ee FIFA 2022 ee Qatar, wuxuuna sidoo kale Axadii ku guuleystay abaalmarinta Golden Glove ama goolhayaha ugu fiican isagoona ku mutaystay qaab ciyaareedkiisa tartanka iyo rigoorayaal uu qabtay.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
Twitter - @Najah_moha