4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Aadan Madoobe iyo Lafta Gareen oo isku raacay waqtiga la qabanayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Wadatashiyada shirka dib u heshiisiinta ee Koonfur Galbeed ee uu ku baaqay gudoomiyaha golaha shacabka, Sheekh Adan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maalmahan ka socdey magaalooyinka Xudur iyo Baydhabo ayaa lasoo gaba-gabeeyey.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo guddoomiyha barlamaanka Soomaaliya ayaa waxay isla qaateen, in furitaanka shirka dib u heshisiinta uu noqdo 5-ta Janaayo 2023-ka kaas oo ka dhici doona Baydhabo.

Guddoomiyaha barlamaanka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, ayaa ku baaqay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda ee labada heer, si loo xaqiijiyo kalsoonida wax ku ool u ah dawladnimada, Shabaaabna dalka looga xoreeyo.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa laga sugayaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan usoo magacaabo guddi heer farsamo oo ka shaqeeya dar dar galinta shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta heer farsamo.

12-ka bishan Diseembar wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka kooban xildhibaano Dowladda Federaalka ah oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed iyo aqoonyahano ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool si ay uga bilaabaan shirka wada-tashiga dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.