4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 17, 2022
Xildhibaano kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo walaac ka muujiyay mudo kororsiga madaxweyne Laftagareen
 

Sabti, December, 17, 2022 (HOL) - Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay mudo kordhinta loo sameynayo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ayaa horay mudo kordhin hal sano ah u sameeyay madaxweynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen, hayeeshee waxaa arintaasi ka horyimid inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulkaas.

Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo ka mid ah 11 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo si wadajir ah u sheegeen iney doonayaan in doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed lagu qabto waqtigeeda, iyadoo mudo xileedka rasmiga ah ee madaxweyne Laftagareen uu ku egyahay 19-ka bishaan Decembar oo ku beegan Isniinta soo socota.

“Warqadda aanu soo saarneyn waxay xambaarsan tahay walaaca xaaladda siyaasadeed iyo midd doorasho ee maamulka Koonfur Galbeed oo waqtigan xaadirka ah aad u kacsan, maadama Madaxweynaha xilka kasii degayo uu muddo xileedkiisa maalmo yar uga harsan yihiin, waxaan ku baaqeynaa in doorashada ay xilliggeedii dhacdo wax ku darsi ah aanu raalli ka aheyn" ayuu yiri Xildhibaan Saadaq Cabdullaahi Cabdi

Walaaca Xildhibaanadaan ayaa imaanaya iyadoo magaalada Baydhabo uu ku sugan yahay guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe oo halkaasi ka wada dadaalo la isugu keenayo dhinacyada isku maan dhaafsan siyaasada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isagoo 19-kii bishaan November 2022-ka ku baaqay shir ay isugu imaanayaan dhamaan Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.