4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 16, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Madaxweynayaasha Uganda iyo Kenya kala hadlay la dagaalanka Al-shabaab
 

Jimco, December, 16, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galaya Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka ayaa kulan doceedyo la qaatay madaxweynayaasha dalalka Uganda iyo Kenya Yoweri Museveni iyo William Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya xaaladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Shabaab, isagoona xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen ciidamada Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka oo u istaagay kacdoonka dalka looga xureynayo Ururka Al-shabaab.

Madaxweyneyaasha Uganda iyo Kenya ayaa dhankooda ku bogaadiyey dowladda Soomaaliya howlgalada xoreynta ah ee ka socda deegaanada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan oo muujiyey kartida iyo awoodda ay u leeyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed iney ka xureeyaan kooxda Al-shabaab, iyagoona balan qaaday iney adkeeyeen taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

"Madaxweyne Yoweri Museveni iyo Madaxweyne William Ruto ayaa xoojiyey xiriirka taariikhiga ah ee dalalkoodu ay la leeyihiin Soomaaliya iyo doorka ay ku leedahay xasilloonida gobolka, waxayna xuseen muhiimadda ay leedahay fulunta qorsheyaasha lagu soo bandhigay Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Gabagabadii dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Madasha Mareykanka iyo Afrika ku soo bandhigtay qorsheheeda ku aadan isbedelka cimilada, dowladda wanaagga, xasilloonida Qaaradda Afrika, gurmadka degdega ah iyo la dagaallanka Al-Shabaab kaas oo inta badan ka socda gobollada Dalka Soomaaliya.