4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 9 , 2022
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi u magacaabay baarista fowdadii ka dhacday gudaha Xarunta Baarlamaanka 7-dii Bishaan

Talaado, Agoosto, 9, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa Maanta magacaabay guddi KMG ah oo baritaano ku sameynaya dhacdadii 7-dii bishaan ka dhacday gudaha xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeysa, taasoo aheyd buuq iyo fowdo ay sameeyeen Xildhibaanada qaar, xili Baarlamaanka uu i fadhiyay cod u qaadista Xukuumadda Raysal wasaare Xamse.

Guddiga uu magacaabay guddoomiye Aadan Madoobe oo ka kooban shan Xildhibaan ayaa la faray in warbixin ka keenaan dhacdaasi, islamarkaana natiijada kasoo baxda baaritaankooda ay dib ugu soo celiyaan guddoonka Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga ee uu magacaabay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa durba waxaa ka cudur daartay ka mid ahaanshaha guddigaas la magacaabay Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

"Ka cudur daarasho. Anigoo u mahad celinaya gudoomiyaha golaha shacabka JFS Mudane Sh Aadan Maxamed Nuur (Sh Aadan Madoobe), haddana waxaan ka cudur daaranayaa ka mid noqoshada xubinimada guddiga. Xildhibaanada saxiibadeey ah waxaan kula dardaarmayaa in aan mar walba ilaalinno anashax iyo dhaqanka wanaagsan, xasuusnaana inaan nahay indhihii dalka" ayuu yiri Xildhibaan Odawaa.

Hoos ka akhriso magacyada xubnaha guddiga.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]