4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Aug 5 , 2022
Qabribayax : 70 qof oo ku sumoobey neef geela oo hilibkiisa ay cuneen
 

Jimco, Agoosto, 5, 2022 (HOL) - Wararka aanu ka helayno meel u dhaw degmada Qabribayax oo lagu magacaabo Qaaxo ayaa sheegaya in hal qof uu u geeriyooday tiro kalena xaaladooda caafimaad laga dayrinayo kadib markii ay ku sumoobeen neef geela oo ay hilibkiisa cuneen.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in dadka cuney neefkan geela ah ay ahaayeen 20 qoys oo ka kooban ilaa 70 qof, marka laga reebo qofka dhintay intooda kale xaaladooda caafimaad aad ayaa looga dayrinayaa.

Dadka ku sumoobey hilib geela ay cuneen ayaa dhammaantood lageeyay degmada Qabribayax, halkaana lagula socdaa xaaladooda Caafimaad.

Maamulka degmada Qabribayax ayaa aad uga dayrinaya xaaladda dadkan ku sumoobey neefka geela ah ee ay hilibkiisa cuneen.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]