4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 31, 2022
Madaxweyne Biixi: Tijaarta nin kii maagayow waxan kuu sheegayaa 30 sanno ayay dalka soo wadeen
 

Arbaco, Agoosto, 31, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in guddida ganacsatadu ay usoojeediyeen in khilaafka doorashada sharciga lagu xaliyo.

Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay in guddida ganacsatadu ay bulshada u sheegeen arrin ay isaga kala hadleen, oo ay la socodsiiyeen, taasi oo ah in khilaafka doorashada sharciga lagu xaliyo, isla markaana ay ku adkeeyeen in aan sharciga la baal marin.

"Dee horta may qaldameen nimanku ayaynu is waydiinaynaa, aniga way ii yimaadeen intii ay igula hadleen ayay dadka u sheegeen, waliba canaan ayay aniga ii dheeraysiiyeen, markasta oo ay ii yimaadaanba anay imaagayeen, sharciga lama dhaafi karo" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

"Gar ayay qaadeen, waxay yidhaahdeen sharci ayay arrintii tagtay, sharcigana waa in aynu ilaalinaa, xeer jajabna ma gali karno, lakiin anaga waxay nala noqotay ... waxay nagu yidhaahdeen bahashu waa qaaliye isa saara" ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa guddida ganacsatada ka difaacay eedihii uu shalay u jeediyay Wasiir Ku Xigeenka Amniga Somaliland Cabdillaahi Xuseen Maxamed, ee ahaa in ay qaadeen gar eexeed oo ay danaha xisbiga Waddani ka taliyeen, Biixi waxa uu sheegay in Somaliland 30 sanno ku tiirsanayd ganacsatadeeda.

"Waxan is waydiinayaa Somaliland-ta haduu qofku 10 goor dhaamiyo oo uu 10 goor waxtaro, oo 10 kaalmood oo adag ka baxo oo maalin aad qoonsato adigu, maalintaa miyaan waxba loo reebaynba, wixiisii hore la eegi maayo miyaa, tijaartaa ninkii maagayow waxan kuu sheegayaa 30 sanno ayay dalka soo wadeen" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu si toos ah uguma dhawaaqin in uu aqbalay soojeedintii ganacsatada, lakiin waxa uu ku gaabsaday in waxii ay warbaahinta ka sheegeen ay ahayd talo ay isagana la wadaageen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]